BAARLAMAANKA URDUN OO KU DHEGAN XUKUMADA.SABAB?
(SAWIRKA)-KHALAF AL-RUMAITHI 56-JIR AH.
(JORDAN)-Dalka Urdun waxaa ka taagan dood aad u adag kuna saabsan nin u dhashay dalka Imaaraatka Carabta isla Markaasne haysta dhalashada dalka Turkiga Khalaf Al-Rumaithi 56-jir ah,ninkaan ayaa laga qabtay garoon diyaaradeed kuna yaalo dalka Urdun bishii Meey-2023-ka,waa la xiray waxaane mar dambe lagu soo daayey Damaanad balse dib ayaa xabsiga loogu celiyey waxaane si qarsoodi ah loogu masaafuriyey dalka Imaaraatka Carabta oo doonaysay in loo soo gacan geliyo. Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay dood u dhexeyso Xukuumadda Urdun iyo Baarlamaanka dalka Urdun,waayo ninkaan lama soo taagin wax maxkamad ah lamana sheegin wax dembi ah oo loo haysto marka la xiraayey.
ISHA/MEE.