ASKERI FARANSIIS AH OO LAGU DILAY CIRAAQ.

(SAWIRKA)-ASKARTA FARANSIISKA EE KU SUGAN CIRAAQ.

(BAQDAAD)-Askeri ka tirsan ciidamadda la dagaalanka argagixisada ee dalka Faransiiska kuna sugan dalka Ciraaq ayaa la dilay isaga oo ku jiray hawlgal ka socay gudaha dalka Ciraaq,sidaas waxaa maanta oo Talaada ah sheegay Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron. Seddex Alifle.Nicolas Mazier kana tirsanaay ciidamadda ku booda dalaayadaha ee dalka Faransiiska qeybta tobonaad ayaa la dilay shalay oo Isniin ahayd waxaane lagu dilay Sgt.Nicolas meel u dhaw magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad goor uu Unugiisa uu ka tirsanaay uu kaalmeynayey ciidamadda dalka Ciraaq oo ku jiray hawgal lagula dagaalayey argagixisada,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal goor hore oo maanta ah ka soo baxay Madaxtooyada dalka Faransiiska.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

DIYAARAD LAGA LEEYAHAY ISRAEL OO KU DEGTAY JIDDAH.

Next
Next

FARANSIISKA OO DIIDAY IN LA XIRTO CABAYADAHA.