AMNI XUMADDA MUQDISHO OO SII KORDHAYSA.
SAWIRKA MACALLIN NUUR CALI JIMCAALE.
(MUQDISHO)Magaaladda Muqdisho waa caasimadda JFS waxa eeyna ka kooban tahay 17-degmo oo eey ku nool yihiin dad lagu qiyaasay ineey dhan yihiin seddex ilaa afar milyan qofood,dadkaan ayaa isaga kala yimid goboladda dalka kuwooda eey aadka u saameysay dhibaatada abaaraha iyo kuwa kale oo shaqa u soo raadsaday Caasimadda balse degaanadooda eeysan ka jirin wax dhibaata ah oo dhinaca amniga,dadka reer Muqdisho ee aan haysan degaan kale oo eey u cararaan marka eey timaado dhibaato dhinaca amni darada ah ayaa hadda waxa eey wajahayaan dilal isdaba joog ah oo si aad ah loo soo qorsheeyey waxaane xalay oo ahayd Jimca(14/7/22)-ka Muqdisho lagu dilay laba qofood oo bulshada magaaladda Muqdisho eey aad u dareemeen waxa eeyna kala ahaayeen Macallin Dugsi Quraan ku haayey degmada Kaaraan isla markaasne ardayda eey dhaleen danyarta lacag la’aan wax ku baraayey waxaa macallinka la sheegay inuu kutubo Quraan ka akhri jiray masaajid ku yaalo xaafadda Negeeyle ee degmada Kaaraan ee G/bnaadir,Macallinka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Macallin Nuur Jimcaale Cali oo ahaay wiil aad u da’a yar una shaqeeyn jiray qoyskiiska oo ka kooban hooyo iyo shan caruur ah iyo waalidkiis. Ragii gaystay dilka Macaliinka qaar ka mida ayaa waxaa maanta soo qabtay ciidamadda booliska degmada Kaaraan ee G/banaadir waxaane baxsad ku maqan ninkii haayey Bistooadii lagu dilay macallinka,sida eey sheegeen warbaahinta Muqdisho hubka loo adeegsaday dilka Macallinka ayaa waxaa iska lahaay nin ka tirsan ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed hadana gacanta lagu haayo.Dilka Macallin Nuur ayaa yimid ka dib markii eey Tuugta isku dayday ineey Macallinka ka dhacaan telefoon lagu qiimeeyey inuu dhan yahay $20 kaliyah.Waxaa isna xalay degmada Y/shiid ee G/banaadir gaar ahaan waaxda Juungal lagu dilay Ganacsade caan ka ahaay Magaaladda Muqdisho lana yiraahdo Sheekh Salaad Cali Ciise mana jirto cid sheegatay ilaa hadda dilka Sheekha Salaad. War hadda inaga soo gaaray Muqdisho ayaa sheegaayo in hadda lagu dilay Magaaladda Muqdisho Nabadoon Sheekh Cabdi Faniinte waxaane Nabadoonka dilay rag ku hubaysan bastoolado waane eey ka baxsadeen goobtii eey dilka ka gaysteen oo lama qaban.Ganacsade Sheekh Salaad Cali Ciise iyo Nabadoon Sheekh Cabdi Faniinte oo la kala dilay caawa iyo xalay ayaa ah laba nin oo isku reer ah kana soo wada jeedo Beesha H/Gidir gaar ahaan Saleebaan,waxayna dadka qaar leeyihiin waxaa dhici karta in dilkooda Alshabaab ugu aar gudayaan jabkii Alshabaab ka raacay degaanka Baxdooy ee G/Galgaduud ee maamulka G/Mudug balse waa mid la arki doono wixii war ah ee ka soo baxa ehelka labada nin eey ka dhinteen.
ISHA CAASIMADDA.