ABAARAHA SOOMAALIYA OO GAARAY..
ILMO NAFAQA DARI HAYSO LANA KEENAY ISBITALKA BANAADIR EE MUQDISHU.
(SOMALIA)-Qoysaska Soomaalida waxaa raad ku yeeshay abaaraha dalka ka jira gaar ahaan dhulka Miyiga ah halkaaso abaartu ka soo barakicisay dadkii deganaay,waxa eeyna dadkaasi soo galeen safar dheer si eey u helaan cunto,biyo iyo adeeg caafimaad amaba guryo eey kaga hoydaan dhibka cimiladda. Dalka Soomaaliya kama uusan di’in roob afar xili oo isku xigta waane taas tan keentay in dalka Soomaaliya ka dhacdo Abaar baahsan kuna qasabtay ineey dadkii ka barakcaan degaanadoodii.Djoen Besselink oo ah wakiilka haydaha bixiyo samafalka caafimaadka kalana ah(DOCTORS WITHOUT BORDERS) takhaatiirta aan xuduuda lahayn iyo MSF(MEDICINES SANS FRONTIERS) ayaa wakaaladda wararka Turiga Anadolu(AA) mar eey waraysanays u sheegay in qoysas soo barakacay eeysan haysan waxba.
ISHA WARKA DS.