ABAARAHA KA JIRO DALKA SOOMAALIYA..
BARAKACAYAAL.
(MUQDISHO)-Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamadda Juqraafi ahaan dhaca Bariga Qaarada Afrika,waxa uuna ka mid yahay Ururka Midawga Afrika(AU),Ururka Jaamicadda Carabta,Urur Goboleedka IGAD iyo Ururo caalami ah oo kale,waxa uu dalka Soomaaliya waqtigaan la joogo u baahan yahay in laga kaalmeeyo ABAARAHA oo fara ba’an ku haayo qeybo ka mida dalka Soomaaliya,si arrintaas loo dardar geliyo ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ergay gaar ah una qaabilsan dawladdiisa dhinaca ABAARAHA waane Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame. Shantii sano ee la soo dhaafay uuna dalka Madaxweyne ka ahaay Farmajo waxaa jirtay Wasaarad la yiraahdo WASAARADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA waxaane Wasaaradaas Wasiir ka ah ilaa maanta Xildhibaanad Khadiija M.Diiriya,wax qabad la’aanta ka jirto Wasaaradaas ayaa sababtay in la magacaabo Ergayga ABAARAHA sida muuqatana sooma laaban doonto Wasaaradaas oo waxa eey noqon doontaa mid laga maarmo hawlaheeda. Arrintaan Abaaraha ayaa waxaa ka hadlay caalamka oo dhan waxaane hadalka masuliyiinta ka hadlay soo xigtay wargaysyo caan ah sida wargayska Anadolu ee dalkaasi Turkiga laga leeyahay,waxa uuna wargaysku ka yiri arrimaha Abaaraha Soomaaliya indha caalamka waxa eey u jeesteen dagaalka dalka Yukrayn,dhibaatooyinka Bani’aadanimo ee ka jiro dalkaasi Yaman,colaadaha ka taagan dalka Soomaaliya la deriska ah ee Itoobiya,Soomaaliya waxa eey la daalaa dheceysaa abaartii ugu xumayd ee soo marta dalka Soomaliya muddo dhan afartan(40) sano,ugu dhawaan waxaa guryahoodii ka soo barakacay dad dhan Milyan qof ayagoo raadinaayo cunto,Biyo iyo ineey helaan kaalmo bani’adanimo waxa eeyna dadkaasi soo gaareen magaalooyinka gaar ahaan caasimadaha gobolada dalka Soomaaliya.
ISHA WARKA AA.