SUUDAAN OO JINSIYADDII KALA NOQOTAY….
Maalintii Arbacadda ee ina soo dhaaftay ayey xukuumadda Suudaan sheegtay ineey Jinsiyaddii kala nooqtay ajaanib gaarayso seddex kun shan boqol iyo afartan iyo sideed(3548) dadkaan ayaa jinsiyadda Sudaan qaatay waqtigii uu dalka xukumaayey Cumar Albashiir, waxaane sidaas warbaahinta u xaqiijiyey wasiirka arrimaha gudaha dalka Sudaan. Bishii Meey ee sannadkii hore 2019-kii ayuu wasiirka arrimaha gudaha ee Sudaan sheegay inuu sameeyey gudi baara dibna u eega habka loo raacay sadaqeeynta jinsiyadda dalka Sudaan ee la siiyey dad ajaanib ah sannaddii la soo dhaafay.
Qoraal uu soo saaray Arbacaddii madax golaha madax banaanida dalka Sudaan C/fataax Alburhani ayaa lagu baabi’iyey go’aanadii horay uga soo baxay madaxtooyadda jamhuuriyadda Sudaan go’aanadaasoo lagu sadaqeynaayey sddex kun shan boqol iyo afartan iyo sideed(3548) dhalasho sudaan ah lana siiyey ajaabin, arrintaan ayaa timid ka dib markii uu wasiirka arrimaha gudaha dalka Sudaan Altarifi Idris uu sidaas talo ku soo jeediyey. XIGASHO MEMO