80-QOFOOD OO HAL MEEL KU DHINTAY…

(SAWIRKA)-XERADDA AL-JABALIYAH.

(GAZA)-Masuuliyiinta caafimaadka ee Xarakada Xamaas ayaa sheegay maanta oo Sabti ah(18/11/23)-ka in dad gaaraayo ilaa 80-qofood lagu dilay laba weerar oo mataana ah oo ey qaadeen diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil,weerarada ayaa waxaa lala beegsaday xero Qaxooti oo ku taalo Waqooyiga Gaza,goobaha ey saameyeen weerarada dhacay maanta ayaa waxaa ka mid ah dugsi ey leedahay Qaramada Midoobe balse hadda ahaay goob ey degan yihiin dad ka soo barakacay dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamada difaa Isra’iil. Viidiyaw la soo dhigay baraha bulshada eyna xaqiijisay Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa la arkaayey meydad ey qariyeen dhiig iyo bus waxa eyna yiileen sagxada dhulka,Jooriyada waxa ey yiileen miisaska dugsiga hoostooda ee xerada Jabaliyah,xeradaan Jabaliya ayaa ah tan ugu weyn ey ku sugan yihiin da Qaxooti ah kuna taalo dhulka reer Falastiin.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SHAN DAL OO CODSADAY IN MAXKAMAD ICC BAARTO DAGAALKA GAZA.

Next
Next

MW-AL-SISI OO KA HORYIMID QORSHE EY WADATAY ISRA’IIL.