7-ISRAEL AH OO KU DHAWACANTAY TEL AVIV.
(SAWIRKA)-GAARIGII WEERARKA LOO ADEEGSADAY.
(QUDUS)-Maalmihii la soo dhaafay dhulka ree Falastiin waxaa ka socday weerar xoogan ey qaadayeen ciidamada Israel,weerarka ayaa ka dhacay xerada Qaxootiga ee JINIIN,hadaba aroornimadii maanta oo Talaada ah ayaa waxa magaaladda Tel Aviv ka dhacay weerar loo adeegsaday baabuur,weerarkaan ayaa waxaa ku dhaawacmay sida la soo sheegay dad garaayo ilaa todoba qofood,sida ey sheegeen ciidamada booliska Israel. Weerarkaan baabuurka loo adeegsaday ayaa waxaa fuliyey nin dhallinyara ah kana tirsan ururka Xamaas ee ka soo horjeeda Israel,waxa uuna ururka sheegay in weerarka dhacay maanta oo Talaada ah uu jawaab u yahay weeraradii ey ciidamadda Israel ka wadaan xerada Qaxootiga ee JINIIN.
ISHA WARKA AA.