6,750-QAXOOTI ITOOBIYAAN AH OO YAMAN KA …

MUHAAJIRIIN AFRIKAAN AH.

(YEMEN)-Hayadda Qramada Midoobe u qaabilsan muhaajiriinta(IOM) ayaa maanta oo Talaado ah sheegtay in hadafkeeda yahay sideey dalkooda ugu celin lahayd ugu yaraan 6,750-qofood oo Itoobiyaan muhaajiriin ah kuna sugan dalka uu la degay dagaalka ee Yaman,bilaha soo socdo waxa eey hayadda(IOM) dalbatay kaalmo dhaqaale oo dhan($7.5)-Milyan oo doolarka Maraykanka ah oo loo isticmaalo dib ugu celinta dalkoodii hooyo dadkaan Itoobiyaanka ah. Hayadda(IOM) ayaa sheegtay ineey dalka Yaman dib uga celisay dad reer Itoobiya ah kuwaaso gaarayo 600-qofood kuwaaso kuligood wada ahaay muhaajiriin waxaane dadkaas ka mid ahaay 60-caruur ah oo eeysan la socon waalidiintooda,celinta muhaajiriinta reer Itoobiya ee ilaa hadda dib loogu celiyey dalkooda hooyo ayaa waxaa daabulay seddex duulimaad sannadkaan gudihiisa. Waxa eyna hayadda(IOM) qorsheyneysaa ineey sameeyso duulimaadyo kale oo dad Itoobiyaan ah dib loogu celinaayo dalkooda,duulimadyadda ayaa ah kuwa ka baxaayo magaaladda Cadan ee ku taalo koonfurta dalka Yaman ilaa magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa.

ISHA WARKA AP’

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

QARAXYO KA DHACAY AFGAANISTAAN.

Next
Next

MARAYKANKA OO KU HANJABAY INUU….