SARKAAL KA TIRSAN CIA-DA MARAYKANKA OO LAGU DILAY…

2592.jpg

Sarkaal Maraykan ah kana tirsan CIA-da oo aan la sheegin magaciisa ayaa la dilay isaga iyo afar sarkaal oo soomaali ah ayagoo baacsanaayey nin ka mida dagaalyahanadda xagjirka ah ee alshabaab ka dib markii lagu qarxiyey baabuur eey ka buuxaan waxyaabaha qarxa.

Sarkaalkaan alshabaabka ah ayaa Maraykanku tuhmaa inuu ka dambeeyey amaba masuul ka ahaay weerar ka dhacay dalka Kenya sannadkii hore waxaane weerarkaas ku dhintay askeri Maraykan ah,weerarkaan eey qaadeen ciidamadada isbahaysiga ee soomaalida iyo Maraykanka ah ayaa waxa uu ka dhacay degaanka loo yaqaan GENDERSHE ee gobolka shabeeladda hoose. Xogta ku saabasan dhimashadda askeriga Maraykanka ah ayaa waxaa bixiyey sarkaal ka tirsan ciidamadda soomaalidda ee uu tababaro Maraykanka ee loo yaqaano Danab waxaane soo daabacay wargays ka soo baxa dalka Ingiriiska ee la yiraahdo THE GUARDIAN.

HALKAAN KA AKHRISO

Previous
Previous

SAWIRQAADE SUURI AH OO LA JIRDILAY.