47-QOFOOD MEYDKOOD OO LAGA HELAY…
MUUQAALKA MUHAJIRIINTA LA SOO BADBADIYEY.
(TRIPOLI)-Xukuumadda Libya ayaa soo heshay meydad gaaraayo 47-qofood kuwaaso wada ah Muhaajiriin aan sharci ahayn oo ku haftay xeebaha dalka libya todobaadkan,sidaas waxaa sheegay afhayeenka dalka libya maanta oo Arbaca ah(26/4/23)-ka. Afhayeenka ilaaladda xeebaha ee dalka Libya Maxamed Cali ayaa sheegay in 11-qofood meydadkooda laga soo saaray xeebta Karboli kuna beegan bariga caasimadda dalka Libya ee Tripoli maalintii shalay oo Talaada ahayd. Ilaaladda xeebaha dalka Libya ayaa soo badbaadiyey 61-Muhaajiriin kana soo kala jeedo dalalka”Suuriya,Pakistan,Bangaladesh iyo qaar ka mida wadamadda Qaaradda Afrika.
ISHA WARKA AA.