1,300-XAAJI UU MARTGELIYEY NIN SACUUDI AH.

(SAWIRKA)-XUJAAYDA KA TIMID DALKA RUUSHKA.

(RIYAD)-Nin u dhashay dalka Sacuudiga lana yiraahdo Fahad Al-Hamli ayaa beer ku taalo gurigiisa waxa uu ku martigeliyey boqolaal Xaaji kana soo Xajiyey dalka Ruushka sannadkii seddexaad oo xiriir ah,marka loo fiiriyo warbixin ey qortay warbaahinta dawladda Sacuudiga ee Al-Akhbaariyah. Fahad Al-Hamli ayaa beertiisa ku taalo hoyga uu ku leeyahay caasimadda Riyad si diiran ugu soo dhaweyey 1,300-Xaaji kana soo xajisay dalka Ruushka,Xujaaydaan ayaa ka mid ah Xujaayda ka qeybgelayso xajka Sannadkaan1444/2023-ka. Fahad Al-Hamli ayaa la sheegay inuu dadkaan Xujaayda ah ku marti sooray waxyaabaha ey caanka ku yihiin shacabka Sacuudiga eyna ugu horeyso Timirta iyo Qaxwada la isku cabo iyo dhaqanka shacabk Sacuudiga ee dhinaca marti soorka.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

SACUUDIGA OO TOOGTAY…

Next
Next

LIBIYA OO XIRTAY 50-QOFOOD OO SHIINEYS AH.