100-DAGALYAHAN OO ALSHABAAB AH OO LA…

GORGOR.

(MUQDISHO)- Weli waxa socdo dagaal xoogan una dhexeeyo Ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Alshabaab,dagaalkan ayaa hadda waxa uu ka socdaa maamulka Hirshabeele oo ka kooban Goboladda Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.In ka badan boqol ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay dagaal aad culus oo ay Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo dadka degaanka ey kooxda Alshabaab kala wareegeen degaanada Garas Magan iyo Ceel Hareeri oo ka wada tirsan gobolak Hiiraan. Afhayenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Gen.Caanood ayaa sheegay in dagaalka uu socday shalay ilaa xalay waxaane kooxda Alshabaab looga dilay ayuu yiri Gen.Caanood maleeshiyaad gaaraayo ilaa boqol waxaane boqolkaan dagaalyahayn ee Alshabaab lagu wada dilay hal meel tan iyo markii uu bilawday dagaalka labada goobood ka qarxay. Dagaalka lagu xasuuqay kooxda Alshabaab ayaa waxaa ka qeybgalay laba cutub oo ka tirsan Ciidamadda Danab iyo Diyaaradaha DRONES-ka ey leeyihiin Wadamada Soomaaliya ka caawiyo la dagaalanka Alshabaab,Gen.Caanood ayaa sheegay in goobaha lagu dagaalamay yihiin kuwa u dhaw degmada Aadan Yabaal oo ah halka goob ey Alshabaab si xoogan uga dega yihiin gobolka Shabeelada dhexe,dhinaca kale Gen.Caanood ayaa carabka ku dhuftay in Ciidamadda GORGOR ee uu tababaray Turkiga ineey ka hortageen baabuur qarax laga soo buuxiyey lana damacsanaay in lagu qarxiyo Ciidamada ku sugan Masaajid Cali Guduud oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Alshabaab.

ISHA WARKA SUUQ-BACAAD MEDIA(SOMALIA).

Previous
Previous

XUUTIYIIN LAGU LAAYEY TICIS.

Next
Next

EEDEYN LOO SOO JEEDIYEY XUUTIYIINTA YAMAN.