10-KUN QOFOOD OO LAGU LA’AYAHAY DALKA LIBIYA.
(SAWIRKA)-BIYAHA FADHIYA CAASIMADDA LIBIYA EE TRIPOLI.
(TRIPOLI)-Kumanaan qofood ayaa la soo sheegayaa in lagu la’ayahay gudaha dalka Libiya ka dib markii dalka libiya ey ku dhufatay dabaysha loo yaqaano ”DANIEL” oo wadata roobab mahiigaan ah,sidaas waxaa maanta oo Talaada ah(12/9/23)-ka sheegay Ururka Laanqeerta Cas ee Adduunka(ICRC).”Waxa aan xaqiijinayaa in ila wareedyo madax banaan inagu soo wargeliyeen in tirada dadka lagu la’ayahay gudaha dalka Libiya ey dhan tahay 10-kun qofood sidaas waxaa warbaahinta la wadaagay Tamir Ramadaan madaxa Ururka Laanqeerta Cas(ICRC)-da ee dalka Libiya. Ramadaan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “In tirada dhimashada tahay mid aad u culus eyna gaareyso kumanaan”mar uu Tamir khadka Viedo-ga kula hadlaayey Warfidiyeeno jooga Geneva isagoo ku suga dalka Tunisiya ee deriska la ah dalka Libiya.
ISHA/AA.