YUUSUF DABAGEED OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE KU XIGEENKA H/SHABEELE YUSUF DABAGEED.
(JAWHAR)-Wararka ka imanayo caasimadda maamulka Hirshabeele ee Jawhar ayaa sheegaayo in askeri ka tirsan ciidamadda dalka Burundi ee nabad ilaalina Afrika ee Atmis inuu xabad ku riday Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeel Md.Yuusuf Dabageed isagoo ku sugan xarunta Madaxtooyadda maamulka Hirshabeele ee magaaladda Jawhar maanta oo Arbaca ah. Sida ey sheegeen goobjoogayaal xabadda ayaa ku soo dhacday goob uu fadhiyey Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabeel Md.Dabageed balse ma eysan gaysan wax dhibaata ah,waxayna u eg tahay mid ka fakatay askeriga reer Burundi kana tirsan Atmis. Dhinaca kale,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Md.Dabageed ayaa sheegay in falka ka dhacay gudaha Madaxtooyada Hirshabeele uu ahaay shirqool kaaso la doonaayey in lagu khaarijiyo isaga lagana soo abaaulay meel kale oo aan Jawhar ahayn,waxaane hadda xabsiga ciidamadda Atmis ee ku meel gaarka ah kuna yaalo magaaladda Jawhar la dhigay askerigii reer Burundi ey xabadda ka fakatay si loogu soo gudbiyo xabsiga Atmis ee ku yaalo magaaladda Muqdisho.
(BOSAASO)-Wararka laga helaayo magaaladda Bosaaso ee Gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegayo in Doon u rarneed Gancsato Soomaaliyeed kuna soo socotay dekedda magaaladda Boosaaso ey ku gubatay Xeebaha dalka Cumaan meel aan sidaas uga sii fogeyn dekedda Salalah ee dalka Cumaan. Doonta gubatay ayaa magaceeda lagu sheegay in la yiraahdo”NICMATULLAHI” waxa eyna ka soo shiraacatay xeebaha dalka Iraan iyadoo siday ku dhawaad 165-Kun oo tan oo u badan Baasto,waa sida laga soo xigtay Ganacsatada qaarkood ey u rarneeyd Doonta Gubatay.
ISHA/SBM.