YAA SUGAY AMNIGA FIFA WORLD CUP QADAR-2022?

BOOLISKA TURKIGA.

ANKARA)-Dalka Turkiga waxa uu ka mid yahay wadamadda sida fiican xiriirka ula leh dalalka Carabta qaarkood gaar ahaan dalalka Qadar iyo Liibiya kuwaaso ah dalal Qani ku ah shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah,hadaba booliska dalka Turkiga ayaa waxa uu soo afmeeray shaqadii amni uu ka haayey tartanka koobka kubadda cagta adduunka ee Qadar-2022-ka.Dalka Turkiga ayaa dalka Qadar geeyey 2,242-qofood ayna ka mid yihiin labaatan la taliye amni,2000-askeri oo ah kuwa ka hortago arabshadaha,70-askeri oo ah kuwa baara Miinooyinka,shaqaale caafimaad,dhammaan qeybahaan kala duwan ayaa si hufan waxa ey u soo guteen hawlohoodii eey ka haayeen dalka Qadar waqtigii uu socday tartanka koobka kubadda cagta adduunka Qadar-2022-ka,sidaas waxaa sheegay Agaasimaha amniga dalka Turkiga maanta oo Isniin ah.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

TOOGASHO KA DHACDAY DALKA KANADA…

Next
Next

RW-DAVID CAMERO OO BARE SARE KA NOQON…