XUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY MARKAB GANACSI.

(SAWIRKA)-ILAALADDA XEEBAHA DALKA YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Shirakadda Amaanka Badda ee dalka Ingiriiska Ambrey ayaa sheegtay habeenimada caawa oo Axad ah in Markab Xamuulka qaada oo uu ka bababnaayey calanka Belize kana diiwaan gashan dalka Boqortooyada Ingiriiska isla markaasne ey maamusho dawaladda Libnaan uu sheegay in lagu weeraray Marinka Bab El-mandab ee isku xira Badda Cas iyo iyo Gacanka Cadmeed. Shirkadda Ambrey ayaa qoraal ey soo saartay ku sheegtay in Markabka la weeraray uu ku wajahnaay jihada Waqooyi isagoo safar kaga yimid Khor Fakkan ee dalka Imaaraatka Carabta kuna sii jeeday magaaladda Varna ee dalka Bulgaria markii la weeraraayey. Markabka oo qeyb ahaan rarnay ayaa muddo kooban gaabiyey socodka min toban ilaa lix gunti,wuxuuna ka baxay koorsadii isagoo la xiriiray ciidamadda badda ee dalka Jabuuti,ka hor inta uusan ku soo laaban koorsadii hore iyo xawaarihiisa”ayaa lagu yiri Qoraalka. Hayadda Ganacsiga badaha ee Ingiriiska ayaa sheegtay iney heshay warbixin ku saabsan dhacdo 35-Nautical Miles koonfur ka xigta magaaladda Mokha ee dalka Yeman.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

MAXKAMAD KU TAALO TAYAANIGA OO XUKUN KU…

Next
Next

17-SANO KA DIB UGANDA MEXEY SIDAN UGU CALAANCALAYSAA?