XULKA QARANKA SOOMAALIYA OO SOCDAALAY…

(SAWIRKA)-KOOXDA SOMALIA KU METI DOONTO TARTANKA ALJEERIYA.

(CAF)-Gudiga fulinta ee Xiriirka Kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika(CAF) kulan uu yeshay horaantii bishaan April-2023-ka ayuu wax ka bedel ku sameeyey Qodobka-27-aad kaaso ku saabsan baarista da’ada cayaartoyda ka qeybgelayso tartanka kubadda cagta ey da’adoodu ka yar tahay17-ka sano(U-17) tartankaan ayaa waxa uu ka dhici doonaa dalka Aljeeriya ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika. Qodobka-27-aad ayaa leh shan faqradood oo dhammaantood ka hadlaayo da’ada cayaartoyda ka qeybgelayso taratanka-U17 Soomaliyana ey ka mid tahay, faqrada seddexaad ee qodobka 27-aad ayaa sheegaayo in kooxdu weynayso ka qeybgalka tartanka haddii lagu helo ineey afar cayaartoy kusoo dhexqarisay kuwaaso ey da’adoodu kaweyn tahay 17-sano, waa qodob leh halistiisa loona baahan yahay in Soomaalidu ka digtoonaato,dhammaan cayaartoyda ka qeybgeleyso tartanka ayuu Xiriirka Kubadda Cagta Afrika(CAF) marsiin doonaa(MRI) oo ah qalab sheegaayo da’ada cayaartoyda. Sida la soo sheegaayo kooxda metelayso Somalia ayaa hadda MRI-da waxa ey kumareen dalka Itoobiya halkaaso uga sii gudbi doonaan dalka Aljeeriya.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

ALSHABAAB OO ISKU KHILAAFAY…

Next
Next

CAF OO TABABAR QAAHIRA UGA FURTAY…