XUKUMADA ISRA’IIL OO ANSIXISAY HESHIISKII XABA…
(SAWIRKA)-QARAX KA DHACAY WAQOOYGA GAZA.
(TEL AVIV)-Golaha Amaanka Isra’iil ayaa ku taliyey in la Ansixiyo maanta oo Jimaca ah Heshiiska Xabad Joojinta ah ka dib markii Reysal Wsaaare Binjamiin Netanyahu uu xaqiijiyey in la gaaray Heshiis dhigaayo in la hakiyo dagaalkii 15-ka bilood socday ee Xamaas kana socday Marinka Gaza,lana sii daayo tiro la haystayaal ah oo ey dableyda haatan heystaan. Dalalka Qadar,Masar iyo Maraykanka oo hawshaan ka soo shaqeyey ayaa ku dhawaaqay xabad joojinta maalintii Arbacada,laakin heshiiska ayaa mugdi ku jiray in ka badan hal maalin iyadoo Netanyahu uu ku adkeystay iney jiraan dabino daqiiqadii ugu dambeysay uuna ku eedeeyey Xarakadda Xamaas ee reer Falastiin. Xamaas ayaa ku adkeysatay iney ka go’an tahay Heshiiska,halka dadka degan Marinka Gaza iyo Qoysaska la haystayaasha ey si walaac leh u sugayeen iney arkaan Heshiiska oo Hirgala. Heshiisku hadda wuxuu ku socdaa Golaha Wasiiradda ee Isra’iil si ey u dhammaystiraan dabadeedna u saxiixaan si kama dambeys ah. Waxaa la filayaa iney xaaladu wanaagsan tahay eyna Xabad joojintu bilaaban doonto maalinta Axada ah ee inagu soo socoto,waxaane heshiiskaan si xoogan uga horyimid isbahaysiga Midigta fog ee Xukuumadda uu hogaamiyo Reysal Wasaare Netanyahu.
ISHA-AN.