XOGHAYIHII JOOGTADA EE XAFIISKA RW-XAMSA OO ISCASILAY.
(SAWIRKA)-MAXAMED ABUKAR ZUBEYR.XOGHYIHII SHAQADA ISKA XASILAY.
(MUQDISHO)- DEG DEG: War iminka inaga soo gaaray Xafiiska Reysal Wasaaraha Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa sheegaayo in Maxamed Abuukar Zubeyr oo ahaay Xoghayihii Joogta ee Xafiiska Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu maanta oo Axad ah si rasmi isaga Casilay xilkii Xogahyaha Joogta ee Xafiiska Reysal Wasaaraha,Maxamed Abukar Zubeyr ayaa is casilaadiisa gacanta ka saaray Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyadoo qoraal ah. Maxamed Abukar Zubeyr ayaa xilkaan waxaa loo magacaabay July-3-2022-kii waane magacabaabidii ugu horeysay uu sameeyey RW-Xamsa tan iyo markii loo magacaabay Xilka Reysal Wasaarenimo,dhinaca kale RW-Xamse iyo Zubeyr ayaa ah Saaxibo ka wad shaqeynaayey Jaamicadda SIMAD ee magaaladda Muqdisho waxa eyna ahaay dad is yaqaan oo soo wada shaqeeyey balse Agaasime Zubeyr ayaa horay wax uu u soo qabtay xilal kala duwan eyna ka mid yihiin Agaasimaha Guud Wasaaradda Dastuurka,Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Cadaaladda. Lama oga ilaa hadda sababta keentay in Agaasime Zubeyr uu iska casilo xilkii uu u haayey Qaranka balse maalmaha soo aadan ayaa la arki doonaa wixii ka soo kordha arrintaan.
ISHA/SB-MEDIA.