XOGHAYAHA GUUD EE QM GUTTEREZ OO KA HADLAY…
(SAWIRKA)-SHIRKA ARRIMAHA SUDAN.
(ADDIS ABABA)-Lix bilyan oo doollar ayaa loo baahan yahay si wax looga qabto dhibaatada bini'aadantinimo ee Suudaan – Antonio Guterrez. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in loo baahan yahay lix bilyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Suudaan. Shirka Madaxda ee ka tashanaya bixinta gargaarka bini’aadantinimo ee dalka Suudaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Itoobiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Midowga Afrika iyo IGAD oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya William Ruto, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Musa Faki Mahamat, WasiirU Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka, Deeta Sheikh Shakbot bin Nahyan Al Nahyan, Xoghayaha Guud ee IGAD Workneh Gebeyhu iyo wakiillo kale oo ka socday Hay’ado caalami ah. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterrez ayaa sheegay xiligan in dhibaatada bini’aadantinimo ee ka jirta Sudan ay kasii dareyso. Waxa ey tilmaameen in ciddii ka fiirsato dhibaatada jirta ay ka jawaabto. Qaramada Midoobay oo ey weheliso saaxiibadeeda ayaa sheegay inay ku dhawaaqi doonaan qorshe lagu bixinayo gargaarka bini’aadantinimo iyo jawaab celinta Suudaan iyo wax u qabashada qaxootiga ka baxsan Suudaan toddobaadka soo socda. Waxa uu xusay in loo baahan yahay lix bilyan oo doollar si loo hirgeliyo qorshayaashan, taas oo loo adeegsan doono in gargaar bini’aadannimo la gaarsiiyo in ka badan 25 milyan oo Suudaani ah. Xoogaga xagjirka ah waa in ey ixtiraamaan Mabaadi'da Gargaarka bini'aadantinimo si ay u helaan gargaar bini'aadanimo oo deg-deg ah muwaadiniinta dhibaataysan ee Suudaan. Isagoo tilmaamay inay adag tahay in gargaar bini’aadannimo la gaarsiiyo deegaanada ay colaaduhu ka socdaan. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Musa Faki Mahamat ayaa tilmaamay in qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Suudaan lagu xalin karo oo kaliya in laga wada hadlo loo dhan yahay. Waxa ey xuseen in Midowga Afrika uu aad ugu dadaalayo sidii uu dhibaatada ku xalin lahaa xal Afrikaan ah. Mid ka mid ah ayaa sheegay in wax ka qabashada dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee Suudaan eysan ku filneyn Workneh Gebeyehu (Dr) Xoghayaha Guud ee Bariga Afrika (IGAD). Akaya waxa uu carabka ku adkeeyay in Ey jirto baahi loo qabo jawaab celin joogto ah oo la isku duba riday oo laga eegayo dhibaatada inta ay le'eg tahay.
ISHA-WAKAALADO