XILDHIBAANO LA SIIYEY SHAHAADOOYIN.

(Muqdisho)-Waxaa dalka soomaaliya gabagabo ku dhaw doorashadii taasoo soo jiitamaysay tan iyo sannadkii 2020-kii,doorashadaan ayaa la soo kulantay jilaafooyin fara badan oo danta laga leeyahay eey tahay mid shaqsi iyo mid kooxeedba waxaane hadda muuqata in inta badan jilaafooyinkaas laga soo gudbay oo uu xaalku maraayo gabagbo.Gudiga doorashooyinka heer federaal(FEIT) ayaa waxa uu maanta bilaabay inuu bixiyo shaahdooyinkii xildhibaanimo iyo warqadii aqoonsiga xildhibaanimo waxaane maanta la bixiyey ilaa iyo konton iyo afar(54) shahaado iyo warqado aqoonsi eeyna qaateen xildhibaano iyo Senitaro laga soo kala doortay maamulada dalka ka jiro qaarkood waxaane dhiman 175-xubnood isuguna jirto Senitaro iyo xildhibano,maamuladda Puntland iyo Jubaland oo ah kuwa hormuudka ka ah in doorashada qabsoonto ayaa Jubaland waxaa ku harsan 16-kursi oo uu ku dhegan yahay madaxweynaha uu dhammaaday muddo xileedkiisa Farmajo isagoo taageero ka helaayo maamuladda uu isaga sameeystay kalana ah Hirshabeele iyo koonfur Galbeed.Xogahayihii gudiga doorashooyinka ee heer federaal(FEIT) C/raxiim ayaa xilkiisii waxa uu ku waayey ka dib markii uu ka soo horjeestay liiskii uu soo saaray gudiga FEIT maalmo ka hor waxayna dadka ka faalaado arrimaha soomaaliya shegaayaan in C/raxiim ka hadalsiisay Villa-da sidaasne uu ku lumiyey xubinimadiisa gudiga FEIT waane eey dhici kartaa in gudiga FEIT dhexdiisa ka jirto khilaaf la xiriiro qaabka wax socdaan balse khilafkas ayaan weli banaanka imaan.

SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

HOGAAMIYIHII MALEESHIYAAD DAAR FUUR OO..

Next
Next

DAGAALKA RUUSHKA IYO YUKREEYN.