XILDHIBAAN DHABANCAD MUXUU INAGA MUDAN YAHAY?
9sAWIRKA)-WAA XILDHIBAAN DHABANCAD OO GACANTA KAGA DHAAWACMAY WEERAR ARAGAGIXISO EE LAASGACAMEEY.
(MUDUG)-Gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ah mid u qeybsan laba maamul kalana ah Galmudug oo dhinaca Koonfureed ah iyo Puntland oo dhinaca Waqooyi ah,hadda waxa uu dagaal adag oo lagu ciribtiraayo kooxda Alshabaab uu ka socdaa Koonfurta Gobolka Mudug ee hoostagta maamulka Galmudug,dagaalkan ayaa soo bilawday dhawr bilood uun ka dib markii mar labaad Madaxweyne loo doortay Dr.Xasan Sheekh Maxamuud waxa uuna dagaalku galay sannadkiisii labaad isaga oo ka socdo maamuladda Galmudug iyo Hirshabeele,hadaba maalintii Jimcaha ee ina soo dhaaftay (15/9/23)-ka ayey kooxda Alshabaab waxa ey isku dayday iney Qarax ku disho Madaxweynaha Galmudug Axmed QoorQoor ey la socdaan Xildhibaan C/salaam Dhabancad,Senitar Cabdi Qeybdiid iyo Wasiirka Kallumaysiga DFS Md.Axmed Xasan,waxaa dhaawac soo gaaray dhammaan masuuliyiinta balse waa uu kala duwanaay dhawacyadooda waxaane loo soo qaaday Muqdisho si halkaasi loogu daaweeyo,arrinta la yaabka keentay ayaa ahayd in Xildhibaan Dhabancad ahne Xildhibaanka ugu da’ada weyn dhammaan xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJS uu iska diiday inuu raaco ragii isaga la dhaawacmay waxa uuna ku haray furinta dagaalka halkaaso uu dhaawac ka soo gaaray,waxa uuna hadal fariin ah ka jeediyey degmada Bacaad-Weyn oo laga xureyey gacanta kooxda Alshabaab,hadaba Muxuu yiri Xildhibaan Dhabancad?
ISHA/CAASIMADDA.