XABSIYADDA SURIYA OO DAD LAGU LA’AYAHAY…
(SAWIRKA)-DIFAAC MADANIGA AH OO BAARAAYO DADKII LA WAAYEY.
(SYRIA)-Kooxaha Difaaca Madaniga ah ee dalka Suriya”Koofiyad Cadda”ah ayaa ku dhawaaqday dhammaadka raadinta Maxaabiista suurtagalka ah ee ku jira Qolal Qarsoodi ah oo aan la ogayn iyo Qolal dhulka Hoostiisa ah ee Xabsiga SAYDNAAYA iyadoo aan la helin Qolal Qarsoon iyo Qolal hoose aan weli la furin. Kooxaha Difaaca Madaniga ah ayaa War-Saxaafadeed ey soo saareen ku xaqiijiyeen in kooxaha Gargaarka ey baaritaan ku sameeyeen dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay Xabsiga Qeybihiisa hoose,Barxadda banaanka dhismaha,iyadoo ey goob joog ka ahaayeen dadkii la socday iyo kuwa kale oo aqoon u leh Xabsiga iyo faahfaahintiisa mana la soo helin wax cadeyn ah oo xaqiijinaayo iney jiraan Qolal sir ah ama Qolal hoose.
ISHA-AH.