Xabsiga Rasaafah ee Baqdaad.
Warbixin uu qoray wargayska Foreign Policy ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in xabsiga Rasaafah ee magaaladda Baqdaad eey ku xiran yihiin dumar aan u dhalan dalka Ciraaq kana tirsanaay ururkii Daacish,dumarkaan ayaa tiradooda lagu sheegay 800-waxa eeyna ku kala xukuman yihiin xabsi u dhexeeyo 15-sano ilaa xabsi daa’in. Intooda badan dumarkaan ayaa xabsi kaligooda ku oo eeysan la jirin cid ka tirsan qoyskooda,balse xaaladda ka jirto xabsiga Rasaafah ayaa ah mideey ku xiran yihiin hooyooyin haysta caruur,gabdho,dumar wada dhashay(walaalo),dumarkaan ku xiran Ciraaq ayuu wargaysku ku sheegay ineey badankooda ka yimaadeen dalalka: Azarbajaan,Australia,Faransa,Jarmal,Ruush,Sacuudiga,Sweden,suuriya,dhajakistaan,Okraaniya iyo qoys ka soo jeedo Trindad Tobaako.
XIGASHO FOREIGN POLICY.