XAASKII GANACSADE BASHIIR OO LACAG LAGA DHACAY.

(KENYA):Xaaskii uu ka geeriyooday ganacsadihii Soomaali- maraykanka ahaay AUN-Bashiir Maxauud Maxamed ayaa la soo sheegaa in dhac lagu sameeyey xoolihii uu uga dhintay ninkeeda.Sida eey sheegtay Sucaado Rashiid Cali oo xaaskii Bashiir ninkeeda xisaabkii uu ku lahaay bankiga waxaa tiilay ayey tiri lacag dhan sideetan milyan(80,000,000) oo shilinka Kenya ah waqtigii uu dhintay laakinse markii eey Sucaado dib u fiirisay xisaabkii bankiga odaygeedi geeriyooday ayaa waxaa u soo baxday lacag dhan seddex milyan(3,000,000) oo shilinka Kenya taasoo macnaheedu yahay in xisaabka odaygeeda(AUN-Basshiir) lagala baxay lacag dhan todobaatan iyo todobo milyan(77,000,000) oo shilinka Kenya ah muddo dhan todobo bilood.Arrintaan dhaca ah ee lagu sameeyey lacagtii odaygeeda ayey Sucaado la socodsiisay qarenkeedi Xuseen Kuusaw waxa eeyna eed u soo jeedisay nin la dhashay odaygeedii geeriyooday(Dumaashigeed) lana yiraahdo C/fataax Maxamed kuna sheegtay inuu shirqoolay duudsiyeyne dhaxalkeedii.ISHA WAKAALADO

HALKAANKA SII AKHRI.

Previous
Previous

DALKA SWEDEN OO YEESHAY RAYSAL WASAARE DUMAR AH.

Next
Next

GIRIIGA OO FURAY LABA XERO OO CUSUB.