WIXII DHACAY 19-FEBRAAYO-2021-KA,HORAY MA LOOGA DIGAY?

IMG_12782-696x464.jpg

Tan iyo markii uu xukunka dalka qabtay Farmaajo 2017-kii waxa uu si aan caadi ahayn ugu mashquulay ciidamadda qalabka sida gaar ahaan ciidamadda xooga dalka soomaaliyeed waxa uuna ku sameeyey isbedelo is xig xiga,ujeedka uu Farmaajo ka lahaay bedelaad hogaanka ciidamadda xooga dalka ayaa waxa eey soo shaac baxday 19/2/2021-ka ka dib markii uu isku dayey inuu khaarjiyo madaxweynayaashii isaga xukunka uga horeeyey Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh,khaarijintaas ayaa waxaa fuliyey ciidamo ka tirsan xooga dalka soomaaliyeed loona tababaray ineey dalka ka xoreyaan Alshabaab nasiib darase uma eeysan dhaqaaqin dhinaca alshabaab waxa eey noqdeen kuwa loo adeegsado caburinta shacabka iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan Farmaajo. Gen.Liibaan Cali Yaraw waxa uu ahaay gudoomiyihii maxakamadda sare ee ciidamadda waxaane laga qaaday xilka ka dib markii uu ka hadlay arrimo xasaasi ah kuna saabsan sharciga ciidamadda mar uu ciidamo kula hadlaayey xero eey ku sugnaayeen una sheegaayey waajibaadkooda iyo waxa iyaga ka reeban ciidan ahaan,hadaladii Gen.Liibaan ayaa waxaa ka mid ahaay:”Ma rabin inaan hadlo duruufta ayaa keenayso inaan hadlo,saad ogtihiin anaga ciidan ayaanahay waxaane ka sii nahay Mileteri,shaqadeyna waxa eey tahay inaan dalka difaacno waaye,ma aha shaqadayna inaan qabiil difaacno,ma aha shaqadeeyna inaan difaacno siyaada gooni ah,sarkaal iyo askeri waxaa xaaraan ka ah inuu ka qeyb qaato shaqo qabiil,inuu ka qeybgalo wax lagu sheegaayo urur,inuu ka qeybgalo hawl kasta oo siyaasad keenayso xaaraan ayey ka tahay,sarkaal ha ahaado ama askeri ha ahaado qofka maalintuu qorto ciidan ayaa waxaa mamnuuc ka ah inuu ka qeybgalo siyaada wax sheeganaayo oo dhan”. Hadalkaan uu yiri Gen.Liibaan waxa uu sababay in Gen.Liibaan si deg deg ah xilka looga qaado loona dhiibo sarkaal boolis ahaay kana mid ahaay dadka dawladda Farmaajo hogaminaayey ka difaaco goobaha eey ka jiraan dood wadaaga,sarkaalkan loo dhiibay maxkamadda sare ee ciidamadda lana yiraahdo DALAB ayaa ah nin ku jira jeebka Farmaajo halka Gen.liibaan uu ahaay nin booska ku yimid aqoontiisa la xiriirta sharciga ciidamadda qalabka sida,hadaba su’aasha ayaa ah haddii sharciga ciidamadda sheegaayo in ciidamadda manuuc ka yihiin arrimaha qabiilka,siyaasadda iyo urur waa maxay ciqaabta eey mudan doonaan askartii iyo saraakiishii hogaaminaysay weerarkii lagu qaaday Hotel-kii eey deganaayeen madaxweynayaashii hore ee Almaa’ida? Ma aha rag la aqoon waayey saraakiisha hogaanka u haysay weerarkaas oo waxaa ka mid ahaay(Jareere,Kampala,Dayax,Biixi).

HALKAAN KA DHEGAYSO HADALKA GEN.LIBAN.

Previous
Previous

FARMAAJO OO KU MASHQUULSAN FASHILINTA SHIRKA AFISYOONI.

Next
Next

MUQDISHO UU KA BILAAWDAY RAAF.