WIIL SOOMALIYEED OO LAGU XUKUMAY 146-SANO OO XARIGA.
GIRIIGA:Magangalyo doon soomaaliyeed ayaa dalka Giriiga maxkamad ku taalo waxa eey ku xukuntay 146-sano oo xarig ah ka dib markii lagu eedeeyey inuu dalka Giriiga u soo tahriibiyo dadka,sida laga soo xigtay golha yurub u qaabilsan qaxootiga iyo masaafurinta(ECRE),mid ka mida muhaajiriinta soomaaliyeed ee dalkaas Giriiga ayaa waxa uu difaacay wiilka ku eedaysan inuu tahriibiyaayey dadka soomaaliyeed waxa uuna yiri”Inama tahriibinayn waxa uu inoo qabtay halka laga wado doonta si uu u badbaadiyo naftayna waana nala qabtay”.
Khamiistii eey bishaan Meey ahayd seddex iyo tobanka(13/5/2021)-ka ayaa maxkamad ku taalo dalkaas Giriiga waxa eey xukun dhan 146-sano ku riday wiil soomaaloiyeed oo la yiraahdo Maxamed H oo 27-sano jir ah ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu dad u kala tahriibiyo dalalka Turkiga iyo Giriiga,warbixintaan ayaa lagu soo daabacay war eey soo saaraan golaha yurub u qaabilsan qaxootiga iyo musaafurinta ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano(ECRE),XIGASHO INFO MIGRANT.