WEERARKII LAGU QAADAY MAQAAYADDA LUUL-YAMANI.
Maqaayadda Luul-yamani ee ku taalo magaaladda Muqdisho waxa eey ka mid tahay goobaha ganacsi eey ku soo noqnoqdeen qaraxyadda,hadaba maqaayadaan Luul-yamani intee mar ayaa la weeraray tan iyo markii la furay?
3/8/2020-ka ayey ahayd markii ugu horeeysay ee la weeraray maqaayadda Luul-Yamani ee ku taalo ka soo horjeedka dekadda magaaladda Muqdisho ee degmada Xamar Jajab,weerarkaas ayaa waxaa fuliyey nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa waxa uuna isku qarxiyey iridda hore ee maqaayadda halkaasoo eey ku sugnaayeen ilaaladda maqaayadda Luul-yamani,qarax ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac far badan oo soo gaaray dadkii ku sugnaay maqaayadda waqtiga qaraxa uu dhacaayey.
Maanta oo Jimca ah kuna beegan 5/3/32021-ka ayaa waxa uu qarax ka dhacay maqaayadda Luul-Yamani ee ku taalo magaaladda Muqdisho ka soo horjeedka dekadda ee dewgmadda Xamar Jajab,qaraxa ayaa waxa uu dhacay waqti habeen ah eey maqaayadda aad mashquul u ahayd eeyna ku sugnaayeen aad u fara badan,qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur nuuciisa lagu sheegay NOHA oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lana soo dhigay meel u dhaw maqaayadda balse qaraxa ayaa ahaay mid laga xukumaayey meel ka fog goobta uu yiilay baaburka eey saarnaayeen waxyabaha qarxa,dhimashadda ayey goobjoogayaal ku sheegeen ineey u dhexeeyso 25-35-qofood halka dhaawaca lagu sheegay in ka badan afartan(40) qofood. Afhayeenka ciidamadda booliska G/Le.Saadiq ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday mootoyinka qaada xamuulka oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa,dhimashada ayuu afhayenka ku sheegay toba(10) qofood dhaawcane labaatan(20) qofood. Qaraxa ayaa waxaa sheegtay kooxda Alshabaab waxa eeyna koodu sheegtay in bartilmaameedku ahaay saraakiil ka tirsan ciidamadda dawladda ee ku sugnaay maqaayadda Luul-yamani,balse kooxdu ma aysan sheegin tiradda dhimashada iyo dhaawca iyo ineey ku jiraan saraakiisha la bartilmaansaday,hadaba su’aasha la is weydiin karo ayaa ah waa maxay sababta eey kooxda Alshabaab u bartilmaamedsatay maqaayadaan? Waa laba mid uun: (1)-In dhulka eey ku taalo maqaayadda Luul-yamani damac uu uga jiro rag ganacsata ah gacan saarna la leh kooxda Alshabaab ka dambeeyaan qaraxyaddaan. (2)-In milkiilaha maqaayadda Luul-Yamani eey isku dheceen kooxda Alshabaab isku dhacaasoo ah inuu milkiilaha diiday lacagta baada ah ee laga qaado ganacsatadda magaaladda Muqdisho sdiaasne loo bartimaansaday.