WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY MINDI OO KA DHACAY FARANSIISKA.

2813.jpeg

Qof ka tirsan shaqaalaha booliska Faransiiska ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday Mindi saldhih boolis oo u dhaw magaaladda caasimadda ah ee Baariis,baarayasha ku takhasusay weerarada nuucaan oo kala ah eey sameeyaan kooxaha argagixisadda ayaa wada baaritaan ka wada halka eey wax ka dheceen ee ah saldhig boolis oo ku yaalo halka la yiraahdo Rmbouillet ee ku taalo koonfr galbeed ee magaaladda Baariis,weerarka ayaa waxa uu ka dhacay iridda hore ee saldhiga booliska ee Rambouillet ee u jira 35-mayl(56)-kiilomitir caasimadda Baariis saacdau markeey ahayd labadi iyo labaatan daqiiqo ee duhurnimo(2:20)-Pm,qofka ku dhintay weerarka loo adeegsaday Minida ayaa ahayd haweeneey 49-jir ah taasoo shaqadeeda ahayd kaaliye dhinaca maamulka ah,waqtiga uu dhacay weerarka haweeneyda ayaa ka soo laabatay biririf yar eey u qaadatay ineey soo cunto qadada,haweenayda ayaa lala dhacay mindi laba jeer waxa eeyna u dhimatay dhaawacyadii soo gaaray waxyar ka dib,ninka soo qaaday weerarka yaa waxaa si xun u toogtay nin askeri ah waxaane la sheegay haweenayda la dilay ineey ahayd hooyo dhashay laba caruur ah kuwaasoo da’adooda lagu kala sheegay 13-jir iyo 18-jir. Ninka gaystay weerarka ayaa u dhashay dalka Tunisiya waane 36-jir dalka Faransiiska ku soo galay sifo aan sharci ahayn sannadkii 2009-kii balse heley degaanshaha Faransiiska,mana uusan ahayn nin ay yaqaanaan hayadaha amniga Faransiiska waxa uuna waqti dhaw u soo guuray magaaladda uu dhibka ka geeystay ee Rambouillet. XIGASHO GUARDIAN.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO WAKIIL GAARA U SOO MAGACAABAY GEESKA AFRIKA.

Next
Next

WARARKA SOOMAALIYA KUWOODII UGU DAMBEEYEY.