WEERAR KA DHACAY MASRAX EY KU DHINTEEN…
(SAWIRKA)-KOOXDA WEERARTAY MASRAXA.
(MOSCOW)-Wararka imanaago caasimadda dalka Ruushka ee Moosko ayaa sheegaayo in rag hubaysan ey weerar ku qaadeen Masrax uu ka socday bandhig faneed,Masraxa ayaa la soo sheegay inuu ku yaalo duleedka magaaladda Moosko,waxaane weerarkaasi ku dhintay dad gaaraayo ilaa afartan(40)-qofood waxaane ku dhaawacmay dad gaarayo ilaa boqol(100)-qofood oo kale. Kooxda soo weerartay Masraxa ayaa la sheegay iney labisnaayeen dharka ciidamadda Mileteriga waxa eyna rasaas aan kala sooc lahayn ku fureen dadkii ku sugnaay gudaha Masraxa,waxa eyna tuuraayeen Bam-gacmeed waane midaas tan keentay iney bataan dadka dhaawaca ah,sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee RIA NOVOSTI taaso wariye ka tirsan uu ka mid ahaay dadkii goobta ku sugnaay. Weli lama cadeyn khasaarha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka Masraxa ee dhacay maanta oo Jimca ah.
ISHA/CAASIMADA.