WASIIR XASAN EELAAY OO KA QEYBGALAY…

(SAWIRKA)-KALFADHIGA ROOM.

(ROME-ITALY)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Tayaaniga ee Room ayaa sheegaayo in kalfadhigii 27-aad ee Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobe(FAO) ee Gudiga Kaymaha (COFO-27) ayaa si isku mid ah u dhici doono todobaadka Keymaha Adduunka ee Sagaalaad(WFW-2024). Mawduuca COFO-27 iyo WFW-2024 ayaa noqon doono “Dardargelinta Xalka Keymaha iyadoo loo Maraayo Halabuurnimo”. Kulamada labadii sanaba mar la qabto ee COFO waxay isu keentaa Madaxda Adeegyadda Keymaha iyo Madax kale ee dawladdeed si loo ogaado siyaasadda iyo arrimaha farsamadda ee soo ifbaxay,si xal looga raadiyo iyo iney kala taliyaan Hayadda Cuntada iyo Beeraha Adduunka ee Qaramada Midoobe ee FAO iyo kuwa kale talaabadda ku haboon. Kalfadhiga 27-aad ee Gudiga Dhirta(COFO) waxaa la qaban doonaa inta u dhexeyso 22 ilaa 26-ka bishaan Luuliyo ee sannadka-2024-ka,waxa uuna ka dhici doonaa Xarunta Hayadda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobe ee FAO magaaladda Room dalka Talyaaniga. Todobaadka waxa lagu soo bandhigi doonaa dhacdooyinka taxanaha ah iyo bandhigyo ey keeneyso Hayadda Cuntada iyo Beeraha Adduunka ee FAO,Ururadda shurakada ah oo ey ku jiraan dhallinyarada iyo xubnaha Iskaashatada Keymaha,si wada jira ah looga hadlo mawduucyo balaaran oo la xiriira waajibaad FAO lana waafajiyo mawduuca mudnaanta leh si ey uga wada hadlaan kalfadhiga 27-aad ee gudiga dhirta. Muujinta COFO-27 waxay noqon doontaa sii deynta daabacaada calanka ee hayadda FAO(The State of the World’s Forest 2024) kaaso bixin doono falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan Hal-abuurka Keynta ee Mustaqbalka sii waaraya. Todobaadka waxaa kaloo lagu soo bandhigi doonaa dood ku saabsan kor u qaadista Keymaha,khariidada Keymaha ee Hayadda FAO laga soo soo bilaabo Aragtidda ilaa Ficilka inta u dhexeyso sanadada 2024-ka ilaa 2031-ka,Dhaqaalaha Noolaha,Isbedelka Cimiladda,Dib u soo celinta Nidaamka Degaanka,hHababka Beeraha Magaalooyinka,Maareynta Dabka isku Dhafan iyo sku xirka Beeraha iyo Keynta.

ISHA/SB-MEDIA/ROMA.

Previous
Previous

KULAN LOOGA HADLAAYEY MAQAAMKA CAASIMADDA…

Next
Next

RW-XAMSE OO MAANTA FURAY SHIRKA DOOXA..