Wasiir Goodax oo dulmiyey….
Waxaa aad u xanuun badan inaad maqashid natiijadda imtixaanka dugsiga sare ee dalka soomaaliya oo hal gobl eey imtixaanka kaga dheceen sideed kun wax ka badan,waa haddii aad tahay qof wax uun ka yaqaano waxbarashadda.
G/Banaadir waxaa imtixaankii la qaaday ku dhacay arday gaarayso sideed kun arday ka badan,markaad tahay qof wax ka yaqaano waxbarashadda waxaad isla markiiba dareymaysaa in wax khaldameen shakina uu jiro,imtixaanka la qaaday 80% waxa uu ahaay su'aalo toos ah macnaha ka jawaab,20%-ne dooro iyo sax iyo khalad waxaad qiyaastaa imtixaan intiisa badan ah ka jawaab suuragal ma tahay in ardayda uga wada jawabaan si isku mida isla markaasne keenaan darajo aad u sareysa, ma sheegin haddii eey dhacday in la diyaariyey macallimiin ardayda u xaliso imtixaanka taasne waxa eey ku dhici karta oo kaliyah inuu jiro is afgarad dhexmaray maamulka waxbarashadda ee degaankaas iyo masuuliyiintii ka socotay wasaaradda waxbarashadda lagan diray Muqdisho.
Barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa Tv-ga Universal ayaa waxaa marti ku ahaay wasiirka waxbarashadda DFS Xildh.Goodax waxaane looga hadlay arrimaha ardayda Muqdisho ee ku dhacday imtixaanka,waxane goobta ka hadlay rag waxbarashadda ka jirto Muqdisho maamulo waxayne banaanka keeneen in wasiir Goodax yahay nimaan waxbarasho waxba kala socon ee uun ah MACANGAG meesha la soo fadhiisiyey,tusaale aabe ayaa ka hadlay kutubta dawladda siisay ardayda kharashkeeda waxaw wasiir Goodax la aaday Canshuur iyo siyasadeeyn wixii laga hadlaayey ee ahaay waxabarashadda,maamule ayaa u sheegay wasiirka in qaar ka mida macallimiinta dugsigiisa eey wax ka sexeen imtixaanka una sheegeen ineey arkeen baqshado waraaqihii ku jiray eey isku far ku wada qornaayeen taasoo macnaheedu yahay in barayaashii dugsigaas ka soo shaqeeyeen imtixaanka balse Goodax inkiray,mar wasiirka la weydiiyey in baaritaan la sameeyo wasiirku waa uu diiday waxa uuna ku sigtay inuu dagaalamo waayo ceebta soo bixi doonta ayuu qiyaasay haddii wax la baaro laakinse baaritaan waa lama huraan si waalidiintii,aradydii iyo masuuliyiintii waxbarashadda gobolka banaadir ugu qancaan natiijadda wasiir Goodax haddiise wasiir Goodax uu noqdo Macangag meeshiisii taagan waxaan u malayhaa in arrintu tegi doonto Maxkamad iyo fool xumo,haddiise wasiir Goodax aqbalo in la baaro sida wax u dheceen waxaa hubanti ah in la gaari doono xal kama dambays ah laguna wada qancasan yahay,waxaane igu maqal ah in daladdaha waxbarashadda dalka ka jiro sameeyeen gudi dabagal ku sameeyo dhacdadaan xanuunka badan eey ka hurdi kari waayeen dhammaan bahda waxbarashadda meel kasta oo eey joogaan. HA GUULEYSTAAN BAHDA WAXBARASHADDA XAQUNA HA SAREEYO.