WARIYE JAMAL OSMAN OO LAGU XIRAY GARAWE.

(SAWIRKA)-WARIYE JAMAL OSMAN OO WRAETSANAYA HORJOOGE MAHAD KARATEY.

(GARAWE)-Wararka laga helaayo caamsiadda maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in halkaasi lagu xiray su’aalana lagu weydiinaayo Wariye ka tirsan Channel-ka 4-aad ee dalka Ingiriiska lana yiraahdo Jamal Osman,ninkaan ayaa taariikhdu markeey ahayd Axad December-18/2022-kii waxaa lagu xiray Garoonka Diyaardaaha Caalamiga ah ee Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho,Jamal Osman iyo Sawirqaadihii la socday ayaa waxaa laga hor istaagay iney galaan caasimadda Muqdisho ka dibne uga gudbaan Goobaha ey maamulaan Argagixisada Alshabaab gaar ahaan halka ey ku sugan yihiin Horjoogayaasha kooxda Alshabaab sida Mahad Karatey(Sawrika),waxaane maalintii xigtay oo ahayd Isniin(19/12/2022) Jamal Osman iyo sawirqaadihii la socday dib loogu celiyey caasimadda Kenya ee Nairobi oo ahayd halkii ey ka yimaadeen markii hore,hadaba maanta maxaa soo kordhay oo aan idinla wadaagayaa? Wariye Jamal Osman ayaa saakay waxa uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee caasimadda Garawe waxaane halkaasi ku xiray Hayadaha amnaanka ee maamulka Puntland waxaane su’aalo laga weydiinayaa waxyaabo la xiriiro safarkiisa,dhinaca kale,warar ayaa sheegaayo in Jamal Osman uu doonaayo inuu u gudbo degaanadda Alshabaab ka joogaan maamulka Galmudug si uu wareysiyo ula soo yeesho Horjoogayaasha Alshabaab kuna sugan degaanadaas sida Cali dheere,Kaba ku dukade,Fu’aad shongole iyo Mahad Karatey oo hadda hogaaminaayo dagaalka ka socdo Koonfurta Gaalkacyo,lama yaqaano sababta uu Jamal Osman uga soo degi waayey Garoonka Diyaaradaha Jubaland ee magaaladda Kismaayo una dhaw degmada Jilib ee uu u yimid Garawe. Jamal Osman ayaa taageero xoogan waxa uu u hayaa kooxda Alshabaab waxa uuna ka amaanaa baraha bulshada sida Facebook-ga,dhawaan ayey ahayd markii uu Jamal amaan kala dul dhacay Abwaan Negeeye oo u baxsaday dhinaca Alshabaab hadana ku sugan Jilib.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA KHRI.

Previous
Previous

17-SANO KA DIB UGANDA MEXEY SIDAN UGU CALAANCALAYSAA?

Next
Next

SOOMAALIYA OO DACWAD KA DHAN AH ITOOBIYA U GUDBISAY…