WAR DHEERAAD AH OO KA SOO BAXAY ASKAR LAGU LA’AYAHAY…

(SAWIRKA)-ASKERI KA MID AH ASKARTA LAGU LA’AYAHAY XEEBAHA SOOMAALIYA.

(WASHINGTON)-Habeen mugdi ah baduna ey kacsan tahay xeebaha dalka Soomaaliya ayey xubno ka tirsan ciidamada badda ee Maraykanka tiradooduna ey dhan tahay ilaa seddex ey bilaabeen iney koraan Markab aan sidan wax calan ah oo lagu garto kaaso uu ku rarnaay hub sharci darra ah una socday dalka Yeman. NATHAN GAGE INGRAM ahne askeri darajada labaad ee hawlgalka gaarka ah ee ciidamada badda Maraykanka ayaa bilaabay inuu jaranjaro ku koro dusha Markabka siday hubka sharci darada ah balse waa uu siibtay waxa uuna ku dhex dhacay biyihii u dhexeeyey labada Markab kan dagaalka ee Maraykanka iyo kan hubka u siday Yeman,IGRAM ayaa hoos u galay biyaha badda, hawl wadeenka dagaalka gaarka ah ee ciidamadda badda ee Maraykanka Darajada koobaad Christopher J.Chambers ayaa ku booday dhulka u dhexeyey labada Markab si uu isagu dayo inuu soo badbaadiyo saaxibkiis IGRAM ey baddu laqday,sidaas waxaa sheegay masuuliyiin la socday dhacdadaan.

ISHA/POLITICO.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

KENYA OO GASHAY XAALAD SIYASADEED OO ADAG.

Next
Next

EU-DA OO CUNAQABATEYN SAARTAY…