WAFDI SACUUDI AH OO SOO GAARAY SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-MASUULIYIIN.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wafdi uu Hogaaminaayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Dhaqaalaha Sacuudiga Md. Suldaan C/raxman AL-Marshad kaaso casuumad rasmi ah ka helay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Biixi Imaan Cige,ayaa maanta oo Talaada ah soo gaaray Muqdisho. Md.Suldaan ayaa kulamo muhiim ah waxa uu la qaadan doonaa masuuliyiin ka tirsan DFS kulamadaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha Maalgelinta Mashaariicda Horumarineed ee gudaha dalka Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Md.Biixi ee uu wehliyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha XFS Md.C/laahi Bidhaan Warsame ayaa intii lagu sugnaa qeybaha soo dhaweynta ee Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho,waxa ey warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya iyo Qorshayaasha kulamada soo socdo ey siiyeen Md.Suldaan iyo wafdigiisa. Wasiirka Maaliyadda ee XFS Md.Biixi ayaa uga mahad celyey aqbalaada casuumadda uu u fidiyey maamulaha guud. “Sharaf ayey ii tahay inaan magaaladda Muqdisho ku soo dhaweeyo Md.Suldaan Murshad iyo kooxda la socota oo booqasho taariikhi ah inoogu yimid,inta lagu guda jiro booqashadiisa Soomaaliya,waxa aan ka wada hadli doonaa fursadaha maalgashi ee hadda ka jira dalka Soomaaliya,si aan sare ugu qaadno dhaqaalaha dalka Soomaaliya”ayuu yiri Wasiir Biixi. Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha ee Sacuudiga waxa uu ka mid yahay Hayaddaha sida gaarka ah ula shaqeeya dawladda sidoo kalane waxa uu qeyb weyn ku lahaa barnaamijka dib u habenta dhaqaalaha ee horseeday in DFS ey gaarto deyn cafin dhammaystiran.

ISHA-SNTV

Previous
Previous

SAFIIRKA SWEDEN EE SOOMAALIYA OO BOOQDAY WASAARADDA…

Next
Next

WASIIRADDA ARRIMAHA DIINTA EE WADAMADDA ISLAAMKA OO..