WAFDI KA SOCDO AU-DA OO SOO GAARAY…
(SAWIRKA)-HAWGALKA ATMIS EE SOOMAALIYA.
(MUQDISHO)-Wafdi heer sare ah kana socdo Ururka Midawga Afrika ayaa fiidnimadii Sabtida waxa ey soo gaareen magaaladda Muqdisho ee ah caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ujeedka wadigaan ayaa lagu sheegay iney soo qiimeyaan ka bixitaan ciidamadda ATMIS ee dalka Soomaaliya kaaso wejigiisii labaad uu soo bilawday bishii Disembar-2023-kii. Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya loona yaqaano(ATMIS) ayaa sheegay in kooxda ka socoto Midawga Afrika soona gaartay Muqdisho uu hogaaminaayo AL-Xaaji Sarjoh Bah oo ah Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Waaxda Siyaasadda,Nabadda iyo Amniga ee Gudiga Midawga Afrika,waxaa kaloo ey kala hadli doonaa Madaxad ATMIS Istaraatiijiyadda 2024-ka ka dib. “Wafdigaan waxaa lagu wadaa iney kulamo xiriir ah la qaataan masuuliyiint DFS iyo saaxibadda caalamiga ah”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ATMIS ee Muqdisho.
ISHA/HIIRAAN.