WADAMO CUSUB OO KU BIIRAY URURKA BRICKS.
(SAWIRKA)-SHIRKII DOHA.
(JOHANNESBURG)-Afar ka mid ah lixda wadan ee lagu casuumay iney ka mid noqdaan amaba ku biiraan Ururka BRICKS laga bilaabo bisha Janaay-2024-ka ayaa xaqiijiyey iney ku biirayaan Ururka BRICKS,sidaas waxaa shalay oo Arbaca ahayd sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Koonfur Afrika Naledi Pandor. Dalalka Masar,Itoobiya,Imaaraadka Carabta iyo Iraan ayaa si rasmi ah waxa ey ugu biireen Ururka ey ku mideysan yihiin wadamadda dhaqaalahooda uu soo koraayo ee BRICKS ka dib markii dalalkaasi lagu casuumay sannadkii hore. Afarta wadan ayaa lagu BRICKS iyagoo ey wehliyaan wadamadda Argentin iyo Boqortooyada Sacuudiga si ey ugu biiraan wadamadii horay uga tirsanaay Ururka BRICKS ee kala ah Ruushka,Brazil,Shiinaha,Hindiya iyo Koonfur Afrika shir Madaxeedkii ka dhacay magaaladda Johannesburg bishii Agoosto. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Koonfur Afrika Pandor ayaa shir jaraa’id uu shalay qabtay ka yiri”Marka loo eego xaqiiijinta BRICKS shan ka mid ah lixda dal ayaa xaqiijiyey,waane Sacuudiga,Imaaraatka Carabta,Itoobiya,Masar iyo Iraan”,Wasiir Pandor ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Argentin waxa ey soo qortay qoraal ey ku muujinayso ineysan ku dhaqmi doonin codsigan ku guulaysatay maamulkii hore ee ahaay iney xubin buuxda ka noqoto BRICKS,waane aqbalnay go’aankooda”.
ISHA/ARAB.