WADA HADALADII SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA OO…
(SAWIRKA)-SHIRKII ANKARA.
(ANKARA)-Diblomaasiyiinta ugu Sarreeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ahayd yeeshay wejigii koowaad ee Wada-hadallo Farsamo oo lagu Xallinayo khilaaf ka dhashay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland, sida ey sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turkiga. Turkiga ayaa dhexdhexaadin ka dhex waday dalalka Geeska Afrika ee soomaaliya iyo Itoobiya ka dib markii uu walaac ka muujiyay colaad ka dhalan karta Gobolka oo markii horeba kacsaneed. Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayni heshiis Is-Afgarad ah uu la saxiixday Somaliland sannadkii hore oo ey ku kiraysay dhul Xeebeedkeeda si ey uga samaysato Saldhig Ciidamada Badda ah. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay noqon doontaa waddankii ugu horeeyay ee si rasmi ah u Aqoonsada Madax-Bannaanida Somaliland. Soomaaliya waxa ey sheegtay in heshiiskaasi uu ku Xad-Gudbay Qaranimadeeda iyo Madax banaanideeda dhulkeed. Bishii December, Hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmay Turkiga, waxayna ku heshiiyeen in la bilaabo Wada-hadallo Farsamo oo la doonayo in lagu gaaro heshiis macquul ah oo ilaalinaya Midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyadoo loo oggolaanayo Itoobiya iney gasho badda. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Gedion Timothewos iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar Balcad ey kulan ku yeesheen magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga wejigii koowaad ee wada Xaajoodka Farsamada. "Labada wafdi waxay muujiyeen sida ey uga go'an tahay hirgelinta “BaaqiiAnkara," ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga iyada oo tixraacaysa bayaankooda ey soo saareen bishii Diseembar. "Wafdiyadu waxay bilaabeen shaqo la taaban karo si ey aragtidan ugu beddelaan xaqiiqada." Wareegga xiga ee Wada-hadallada ayaa dhacaya bisha Maarso, ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda. Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh Maalgashi ballaaran oo uu ku jiro Saldhiga ugu weyn ee uu Turkigu ku leeyahay dibadda. Somaliland ayaa 30 sano ka hor ka go’day Soomaaliya balse Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay midna uma Aqoonsana iney tahay dal Madax-bannaan. Soomaaliya waxay Somaliland u haysataa qayb ka mid ah dhulkeeda. Itoobiya oo dadkeeda lagu qiyaaso in ka badan 120 Milyan, waa dalka ugu dadka badan adduunka ee aan bad lahayn.
ISHA-ABC.