WADA HADALADII DENI IYO UAE EE DEKEDDA GARACAD OO FASHILMAY.
(SAWIR)-KA. DENI IYO MAXAMED ZAYID.
(GARAWE)-Wararka laga helaayo caasimadda maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in kulamo Qarsoodi ah oo muddo dheer soo jiitamaayey una dhexeeyey dhinacyada kala ah Oadyaasha Dhqanka,Saamileyda Dekedda Garacad iyo maamulka Puntland,arrintaan ayaa salka ku hayso wareejinta hawlaha Dekedda Garacad oo doonaayo in lagu wareejiyo shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee DP World ayaa ku soo dhammaaday guul darro. Xogta la helay ayaa tibaaxaysa in MW-Deni uu doonaayey inuu afduubo maamulka dhammaan xeebaha ku yaalo degaanadda Puntlnd kuna wareejiyo shirkadda DP World,heshiiskaan fashilmay ayaa asalkiisu yahay in dawladda Imaaraatka maamusho dhulka Puntland ee saaran Bad Weynta Hindiya sugaane Amnigeeda,waxaane hadda xiisad culus ey ka dhex taagan tahay ciidamadda kala ah PSF ey taakuleeyaan, tabaraane Maraykanka si ey ula dagaalaan Argagixisada iyo kuwa PMPF-ta ey tababarto dawladda Imaaraatka Carabta si ey u ilaaliyaan Xeebaha Puntland,xiisadaan ayaa hadda ka taagan degaanka Xaafuun waxaane halkaas isku hor fadhiyo labada ciidan,waxaane laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco gacan ka hadal dad ku dhintaan haddii aan la helin xal deg deg ah. Isimadda Puntland ee ka soo jeedo Gobolka Mudug iyo Maalgashadayaasha Dekedda Garacad ayaa iska diiday iney Dekeda ku wareejiyaan Shirkadda DP World ey leedahay dawladda Imaaraatka Carabta waayo dalka Imaaraatka ayaa ugu yaboohay Saamileyda Dekedda Garacad iney qaataan 30%,maamulka Puntland uu qaato 20% halka dawladda Imaaraatka ey qaadaneyso 50%,waxaa kaloo ayadana la yaab leh oo hadda banaanka timid in dalka Imaaraatka Carabta uu doonaayo in Dekedda Garacad ey noqoto Deked Ciidan oo saldhig ey ka dhigtaan ciidamadda Badda ee dalka Imaaraatka Carabta halka Dekedda Bosaaso loo daayo iney noqoto Deked Ganacsi,waxaane Dekedda Bosaaso hadda maamula shirkadda DP World ee dalka Imaaraatka Carabta waxaane qaati bilaahi ka taagan kallumaysatada degaanka oo laga mamnuucay iney ka xoogsadaan Dekedda Boosaaso iyo casnhuur xad dhaaf ah oo lagu soo rogay Ganacsatada isticmaasha Dekedda Boosaaso. LA SOCO.
ISHA/SB-MEDIA.