WAA XAGJIRAD LA RAADINAAYO EE SOO SHEEGA.

(SAWIRKA)-XAGJIRAD.

(USA)-Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa iyada oo adeegsanaysa Barnaamijkeeda Abaalmarinta Caddaaladda, waxa ey ku dhawaaqday iney Abaal-marin lacageed oo dhan 5-Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah siinayso ciddii keenta xog horseedda halka ey ku sugan tahay ama lagu aqoonsanayo Khadra Ciise oo ah Hoggaamiyaha caanka ah ee Daacish. Barnaamijku wuxuu sheegay in Khadra Ciise, oo sidoo kale loo yaqaan "Ummu Qacqaac AL-Somali" ey ka qabatay Ururka Daacish gudihiisa jago Hoggaamineed iyo "Macallimad shareecada" oo ka tirsan Guutooyinka Haweenka ee Ururka Daacish,waxa eyna taageertaa weerarada ismiidaaminta ah iyo dilka dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Waxa ey haysataa dhalasho Nederland ah, asalkeeduna waa Soomaali. Wasaaraddu waxa ey ku nuuxnuuxsatay in dhoola cadeynteed ka muuqata Sawirkeeda ineysan ka tarjimeyn dabeecadeeda dhabta ah. Khadra Ciise,sida ey sheegtay Wasaaradda waa xagjir aad u arxan daran,waxa eyna haweenka Soomaaliyeed ku cadaabtaa Shareecadda Xagjirnimo.

ISHA-AL-CARABIYA.


Next
Next

CIRAAQ OO MARTIGELIN DOONTO SHIRKA CARABTA.