WAA MAXAY SABABTA LOO SOO DEDEJIYEY HSEHIISKA SOOMAALIYA IYO TURKIGA?
(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO MW-ERDOGAN.
(ANKARA)-Waxa aan la soconaa in todobaadkii hore uu Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Wasiiradda ey Ansixiyeen Heshkii ey wada Galeen dalalka Soomaaliya iyo Turkiga eyna u kala saxiixeen labada Wasiir Gashaadhig ee labada dal,heshiiska ayaa dhigaayo in dalka Soomaaliya laga kaalmeeyo dhinaca difaaca dhulkeed xorta ah iyo in la wadaago kheyraatka badda in kastoo aan la sheegin qaabka loo qeybsan doono sida ey tahay. Waxaa hadda soo baxay warar dheeri ah kuna saabsan heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ey kala saxiixdeen ee uu dhawaan saxiixay MW-Xasan Sheekh Maxamuud ka dib markii uu cod aqlabiyad leh uu ku ansixiyey BJFS.Dalka Turkiga ayaa la soo sheegayaa inuu arrintaan u soo dedejiyey arrimo kale oo la xiriira dhibaatada ka taagan Marinka Baab EL-Mandab ee Badda Cas,waxaane weeraro aan kala go’o lahayn ku haayo Marinkaas halbawlaha u ah Ganacsiga caalamka kooxda Xuutiyiinta Yeman,si uu dalka Turkiga taas uga gaashaanto ayuu u baahday inuu helo saldhig uu ka maareyn karo dhaqdhaqaaqa Marinka Baab EL-Mandab iyo badda Cas waxane Turkiga u soo baxday inuu soo dego xeebaha Badda Cas ee Soomaaliya kuwaaso dhinaca ku haayo Baab EL-mandab.
ISHA/BBC.