WAA MAXAY FAA’IIDOOYNKA HUBKA LOO FASAXAY SOOMAALIYA?
(SAWIRKA)GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE.
(MUQDISHO)-Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka dhaca Bariga Qaaradda Afrika waxa uuna leeyahay Xeebta ugu dheer laguna qiyaasay ilaa 3-kun oo kiilomitir,Soomaaliya waxa ey deris la tahay dalalka Kenya,Itoobiya iyo Jabuuti,dhammaan dalalkaan deriska la ah Soomaaliya ayaa waxaa ciidamo ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya kuwaaso ka wada tirsan hawlgalka ATMIS. Dhinaca kale,Soomaaliya ayaa waxa ey Xubin buuxda ka noqotay Ururka Bulshada Geeska Afrika ee loo yaqaano EAC eyna xubno ka yihiin Todobo dal Soomaaliyana ey ku noqotay dalkii sideedaad, Ururka Bulshada Geeska Afrika(EAC) ayaa la filaa inuu dalka Soomaaliya wax weyn ka faa’iidi doonto mustaqbalka. Maalintii Jimcaha ee ina soo dhaaftay kuna beegneed 1/12/23-ka ayaa dalka Soomaaliya u ahayd maalin Farxadeed waxaane maalintaas dalka Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneed muddo dhan 32-sano ah waane cunaqabateyntii ugu dheereed ee dal la saaro,Cunqabateynta ayaa Soomaaliya waxaa saaray Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe sannadkii 1992-kii.
ISHA/CAASIMADDA.