WAA KUMA QAREEN DUDAAYE?
(SAWIRKA)-QAREEN DUDAAYE.
(MUQDISHO)-Shalay oo Khamiis ahayd waxaa magaaladda Muqdisho laga soo gabagabeeyey dacwad loo haystay masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Hayadaha DFS,dacwada dadkaan loo haystay ayaa ahayd Musuq-Maasuq waxaa eyna soo socotay in muddo ah,dadka la soo edeyey ayaa waxaa Qareeno u ahaay Qareeno uu ka mid yahay Qareen”DUDAAYE”,qareenkan da’ada yar ayaa wacdaro waxa uu ka dhigay goobta ey ka socotay dacwada waxa uuna mar ka xanaajiyey Garsoore Saalax Dabaan oo ah Gudoomiyaha Maxkamada G/Banaadir, Garsoore Dabaan ayaa ka carooday eray uu yiri Qareen Dudaaye oo ahaay”ADEER”waxa uuna Qareen Dudaaye ku sigtay in laga saaro gudaha Maxkamada G/Banaadir.
ISHA/BBC-SOMALI.