URUR KU BAAQAY INAAN LA IIBSAN TIMIRTA ISTRAEL…
TIMIR.
(LONDON)-Weli waxa uu dagaal ba’an ka socdaa dhulka reer Falastiin ey Israel xooga ku haysato,dagaalkan ayaa u dhexeeyo ciidamada Israel iyo xoogaga reer Falastiin,waxaane todobaadyadii la soo dhaafay dagaaladaas ku dhintay kuna dhaawacmay dad fara badan oo reer Falastiin ah,hadaba urur reer Falastiin ah fadhigiisuna yahay magaaladda London ee dalka Ingiriiska ayaa Muslimiinta ku nool Qaaradda Yurub ugu baaqay ineysan iibsan Timirta laga keeno dalka Israel bisha Barakaysan ee soo socoto ee Ramadaan. Saaxibada Al-Aqsa(FOA) ayaa bilaabay olole ey ku hubinayaan wadamada soo saaray badeecadaha ey iibsadaan Muslimiinta reer Yurub.
ISHA WARKA ARAB.