UN-KA OO ITOOBIYA KU EEDEYEY XASUUQ SHACAB.

(SAWIRKA)SHACABKA ITOOBIYA.

(GENEVA)-Madaxa Qaramada Midoobe ee Xuquuda Aadnaha Volker Turk ayaa ku baaqay in la qaado talaabooyin la taaban karo oo lagu joojinaayo Xadgudubyadda iyo Xadgudubyadda Xuquuqul Insaanka ee weli khatar gelinaya dib heshiisiinta nabadda dalka Itoobiya. “Waxaan u soo jeedinayaa dhinacyadda dirirtu u dhexeyso iney joojiyaan colaadaha socda,isla markaane ey ku xalliyaan khilaafka hab nabadeed. Waa lagama maarmaan in masuuliyiinta qaadaan dhammaan talaabooyinka suurtagalka ah si loo ilaaliyo dadka rayidka ah,loogana hortago xadgudubyo hor leh,iyo in la hubiyo iney jiraan baaritaano buuxa si loo horkeeno kuwa masuulka ka ah cadaaladda”sidaas waxaa yiri Turk. Baaqa wakiilka sare ayaa yimid iyadoo Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobe uu soo saaray warbixin cusub oo lagu falanqeynaayo Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee guud ahaan dalka Itoobiya marka laga soo bilaabo Janaayo-2023-kii ilaa Janaayo-2024-ka. Sannadkii 2023-kii,ugu yaraan 1,351-Qof oo Rayid ah ayaa kagu dilay Itoobiya weeraro la sheegay iney qaadeen Ciidamadda Dawladda Itoobiya,Ciidamadda Eritereeya,Maleeshiyaad dawladda ka soo horjeeda iyo qaar aan la garaneyn. Dadka Rayidka ah ee la dilay 740-Qof oo ka mid ah waxa ey ahaayeen Qawmiyadda AMXAARADDA. Isticmaalka Diyaaradaha aan Duuliyaha wedin ee ciidamadda dawladda Itoobiya ayaa sababay dhimashadda 248-Qof oo Rayid ah intii u dhexeysay 4-tii Agoosto ilaa 31-kii Diseembar-2023-kii,waxayna burburiyeen kaabayaashii muhiimka ahaa oo ey ku jiraan Iskuuladda iyo Isbitaaladda taaso sare u qaaday welwelka ku aadan heerka u hogaansanaanta weeraradan sharciga caalamiga ah.

ISHA/UN-KA

SII AKHRI.

Previous
Previous

DOON DADKII SAARNAAY LA SOO BADBAADIYEY.

Next
Next

ALSHABAAB OO LAGU DUQEEYEY HAWDKA GAKGADUUD.