UN-KA OO GO’AAN KA GAREYSO GUBIDA KITAABKA QURAANKA.

(SAWIRKA)-KITAABKA QURAANKA KARIIMKA AH.

(GENEVA)-Madaxa xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan Xuquuqda dadka Volker Turk ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in weerarkii ugu dambeeyey ee lagu gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah uu sababay in Golaha u dooda Xuquuqda dadka ee Qaramada Midoobe ey go’aan ka gaari doonaan arrimahaan soo noqnoqday ee ah Gubitaanka Kitaabka Quraanka Kariimka ah bisha soo socoto ee Oktoobar(6/10/23)-ka. Volker Turk ayaa faalo ka bixiyey gubitaanka Kitaabka Quraanka Kariimka ah mar uu ka qeybgelaayey kulankii 54-aad ee Golaha uu dooda Xuquuqda dadka ee Qaramada Midoobe kaaso ka furmay magaaladda Geneva ee dalka Switzerland,fadhiga ayaa ku bilawday aamusnaan socotay dhawr daqiiqadood taaso loogu baroor diiqaayey dadkii ku le’eday dhulgariirkii maalintii Jimcaha ku dhuftay dalka Marooko kaaso ey ku dhinteen dad gaarayo 2200-qofood eyna ku dhaawacmeen dad intaas ka badan.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

OGOW DAGAALKII AWDHEEGLE YAA ALSHABAAB UGA DHINTAY?

Next
Next

CEELGARAS OO LAGA XUREEYEY ALSHABAAB.