UK OO CUNAQABATAYN SAARTAY…
BOQORTOOYADA INGIRIISKA.
(LONDON)-Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday ineey jirto cunaqabteyn lagu bartilmaamedsanayo 16-qofood oo kala ah saraakiil sare oo ka tirsan ciidamadda dalka Ruushka iyo ganacsato reer Iraan ah,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay dawladda Ingiriiska maanta oo Talaada ah. Daah ka rogidda cunaqabataynta ayaa timid ka dib markii dalka Ruushka uu weerar aragagixisanimo ku qaaday dalka Yukrayn isla markaasne Ruushka uu burburiyey goobtii dalka Yukrayn uu soo saaran jiray Tamarta taasne waxa ey sababtay in shacabka Yukrayn ku noolaadaan Mugdi iyo qabaw aad u ba’an waqtiga qaboobaha oo hadda ka bilaawday dalkaasi Yukrayn.
ISHA WARKA AA.