UGAANDHA OO KA HADASHAY…

CIIDAMADDA ATMIS EE SOOMAALIYA.

(KAMPALA)-Ciidamadda Difaaca Shacabka Ugaandha(UPDF) ayaa soo saaray qoraal ey ku sheegayaan iney xiriir la sameeyeen hawlgalka Midawga Afrika(ATMIS) si ey u qiimeyn ugu sameeyaan xaaladda. Ciidamadda Mileteriga dalka Ugandha iyo kuwa hawlgalka Midawga Afrika(ATMIS) ayaa qiimaynaayo xaaladda Amni ka dib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ey weerar guulaystay ku qaadeen saldhig ey ku sugnaayeen Ciidamadda Difaaca Shacabka Ugaandha(UPDF) gudaha dalka Soomaaliya,waxaane halkaasi ka dhacay qaraxyo kala duwan inta uu socday weerarka gaadmada ahaay shalay oo Jimca ahayd(26/5/23)-ka. Waqtiga oo kooban,waxa jirta waxyar amaba aan muuqan kuna saabsan tirada dadka wax ku noqday weerarkaas dhacay. Weerarka la qaaday Aroor hore laguna bartilmaameedsaday saldhiga ciidamadda mileteriga ee ku yaalo Buulo-Mareer taaso magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho u jirto 110-Kiiloomitir. Hawlgalka Ciidamadda Midawga Afrika(Atmis) ayaa xaqiijisay weerarka lagu qaaday saldhiga waxa eyna Atmis eray gaaban ku sheegtay iney qiimeynayaan xaaladda. “Subaxnimadii hore ee maanta oo Jimca ah ayaa saldhiga ciidamadda Atmis ee Buulo-Mareer ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa weeraray kooxda Alshabaab,ciidamadda Atmis ayaa waqtigaan la joogo qiimeynaayo xaaladda Amni,War dheeraad ahne waxaa laga soo saari doonaa waqti dambe”. Sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Atmis lana akhriyey qeyb ka mida. Ciidamadda Difaaca Shacabka Ugaandha(UPDF) ayaa iyagana soo saaray qoraal waxayna sheegeen iney la xiriireen Atmis si ey u qiimeeyaan xaaladda. Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ee ku biirtay kooxda Al-Qaacidda ee Bariga Afrika inta badane loo yaqaano Alshabaab ayaa sheegatay Masuuliyadda weerarka,Qoraal ey soo saareen Alshabaab ayey ku sheegeen” in dagaalyahanadooda Mujaahidiinta ah ey si guul ah cagta u mariyeen saldhiga(kuna yaalo nawaaxiga magaalada Buulo-Mareer),sugeena amniga dhulka ku wareegsan,waxa eyna la wareegeen kontaroolka dhulka difaaca”. Maleeshiyaad kooxdan ayaa sheegay in dagaalyahanadooda Mujaahidiinta ah ey dileen 137-askeri eyna qabteen kuwa kale ka hor inta eysan qabsan baabuurta ciidamadda iyo qalab ciidan oo kale inta uu socday weerarka. Faafinta hadalkaan ey sheegatay Alshabaab ayaa ah mid aan la xaqiijin karin,waqti hore ayey kooxda Alshabaab buub-buunin ku saabsan hawlgaladooda ayagoo uga dan leh iney niyada ugu dhisaan dagaalamayaashooda.

WEERARADII HORE:

Maleeshiyaad Alshabaab ayaa qaado weeraro isu eg marka ey weerarayaan saldhigyada ciidamadda ey dawladuhu ku tabaruceen(TCC). Inta badan kooxda Alshabaab ayaa qaraxyo ku qarxiso halka laga gelaayo saldhiga ka dibne ka dibne waxaa saldhiga soo gala dagaalyahanadooda waxayna bilaabaan iney toogtaan qof kasta oo ey arkaan. Sannadkii 2005tii kooxda Alshabaab ayaa weerartay saldhiga ciidamadda Difaac Shacabka Ugaandha(UPDF) ee degmada Janaale Gobolka Shabeelada Hoose taaso dhawr maayl ka fog caasimadda Muqdisho waxa eyna Alshabaab halkaasi ku dileen 19-askeri. Ciidamadda Ugaandha ayaa dalka Soomaaliya joogo tan iyo sannadkii 2007-dii ayagoo ku jooga amar rasmi ah ey uga mid yhiin ciidamadda nabad ilaalinta Midawga Afrika(Atmis). Waa la diiwaangeliyey si guul ah ayeyna maleeshiyaadka kooxda Alshabaab uga saareen caasimadda Muqdisho iyo mgaalooyin kale oo waa weyn. Waxa ey daciifiyeen maleeshiyaad kooxda Alshabaab waxayna kooxda badeen iney maciinbiddo iney isticmaasho qaraxyo aan loo fiirsan kuwaaso lidi ku ah dadka shacabka ah iyo ciidamadda nabad ilaalinta. Sept/17/2009-kii kooxda Alshabaab ayaa weerartay xarunta dhexe ee ciidamadda Midawga Afrika waxa eyna ku dileen lix askeri eyna ku jireen taliye ku xigeenkii ciidamadda Burundi ee ka hawlgala Soomaaliya Maj.Gen.Juvenal Niyoyuguriza,waxaane ku dhaawacmay saraakiil sare oo Mileteri ah isla weerarkaas. Dec/25/2014-kii,waxa ey kooxda Alshabaab weerartay isla xarunta dhexe ee ciidamadda Midawga Afrika oo burbursan oo aan weli la dayctirin waxa eyna ku dishay askar kala gedisan. kooxda Alshabaab ayaa qaaday weeraro is shabaho waxa eyna ku qaaday sakdhigyo ey ku sugan yihiin ciidaamo ka tirsan Atmis kana soo jeedo wadamada Kenya iyo Burundi.

KU MEEL GAAR:

Dalka Ugaandha,marka laga soo bilaabo sannadkii 2007-dii ayey soo gaareen dalka Soomaaliya. Ugandha,xaqiiqdii waa dalkii ugu horeeyey oo ciidamo nabad ilaalineed u dira ciidamada loo yaqiin”AMISOM’. Bishii Abriil-2022-kii waxaa la bedelay magacii ey lahaayeen ciidamadda nabad ilaalinta ee Midawga Afrika waxaa loo siyey magac cusub oo ah “AFRICAN UNION TRANSITION MISSION IN SOMALIA”(ATMIS). Sida laga soo xigtay bogaa rasmiga ah ey leeyihiin Atmis ilaa Dec/31/22-kii tirda ciidamadda Atmis ayaa ah 18,586-askeri waxaane laga dhimay 2000-askeri sannadkii 2022-kii ina soo dhaaftay,sannadkaan 2023-ka Atmis waxa ey ka shaqeynaysa sidii loo diyaarin lahaay qaabkii ey ciidamadda Atmis uga bixi lahaayeen dalka Soomaaliya dabayaaqada sannadka-2024-ka.

LA SOCO QEYBTA HARTAY.

Previous
Previous

UGANDHA OO KA HADASHAY…

Next
Next

RUUSHKA OO BALAN QAAD U SAMEEYEY…