MARAYKANKA OO INTA BADAN CIIDAMADIISA KALA BAXAAYO SOOMAALIYA.
War ka soo baxay maanta oo Jimca ah masuuliyiinta Maraykanka laguna daabacay wakaaladda wararka REUTERS ayaa lagu sheegay in dawladda Maraykanka ciidamadeeda intooda badan kala bixi doonto dalka soomaaliya ka hor inta uusan xilka wareejin bisha soo socoto Madaxweyne Donald Trump,tiradda ciidamadda Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa ineey dhan yihiin todob boqol(700),ciidamadaan ayaa intooda badan ah tababarayaal ciidan oo tababar siiyo ciidamadda soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee la dagaalama alshabaab loona yaqaano DANAB, tababarayaasha Maraykanka ah ayaa ku sugan G/jubadda hoose magaaladda Kismaayo, G/sh/hoose degmada W.weyn xeradda Biladoogle iyo magaaladda Muqdisho. Sidoo kale Maraykanka ayaa waxa uu dhimi doonaa ciidamadiisa ku sugan dalalka Afgaanistaan iyo Ciraaq in kasta oo aan warbixinta lagu sheegin tirada la dhimaayo,waxayne Maraykanku horey ciidamadooda ugala soo bexeen Bosaaso iyo gaalkacyo waxaane laga yaabaa in ciidamadda Maraykanka ku sugnaan doonaan oo kaliyah magaaladda muqdisho. Wasaaradda gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegtay in la bixitaanka ciidamadooda ee soomaaliya ineeysan waxba ka bedeli doonin siyaasadooda ku aadan soomaaliya. XIGASHO REUTERS.